In ka badan 5,000 oo hektar oo dhul ah ayaa ismamulka diridhaba, lagu horumariyay hawlaha isku dhafan ee daryeelka deeganka.

Barnaamijka daryeelaka deeganka iy Horumarinta dareraha biyaha ee sannandkan 2018, laqabtay ayaa maanta munasibad aqoonsi iyo mahad naq loqabta.

Waxana munasibada kaso qaby galay oo ka hadlay Duqa is Maamulka diridhaba,Mudane,Khadir juhar,oo sheegay in maamulku uu natiijooyin ka gaaray dadaalladiisa ku aaddan soo celinta horumarinta dooxooyinka marrinada biyaha.

Wuxuu sheegay in waddanku uu bilaabay howlaha horumarinta dooxaha uuna sii wadi doono inuu si adag uga shaqeeyo sidii loo gaari lahaa wax soo saarka beeraha.

.

Duqa Magaalada, in tani horseed u tahay dhiirrigelinta barwaaqada dalka oo dhan taasna aasaaska u dhigaya isbaddelka bulshada ku nool miyiga.

Madaxa Xafiiska Beeraha, Biyaha, Macdanta iyo Tamarta ee is Maamulka Diridhaba mudane Nuradin Cabdalla ayaa dhankisa sheegay,in Horumarinta dooxaha sanadihii la soo dhaafay waxa badan laga qabtay ka dhigtay mid caddaysayna inay tahay mid dhaqan laga dhigtay.

Horumarinta isku-dhafka ah ee barkadaha ayaa isku soo ururisay 41,149,000 oo qof waxayna reebtay lacaag ahaan 900,506,100.

Wuxuu sheegay in 5,328 hektar oo dhul ah lagu beeray berkadaha isku-dhafan sidaas darteedna la xaliyay 3.6 hektar oo dhibaato nabaad guur dhul ah.

Wuuxu sheegtay in 46,737 tan oo shaqo ilaalin ah oo khayraadka dabiiciga ah laga qabtay Carrada.

Waxaa munasibadda Shahaadooyin aqoonsi iyo mahadnaq la guddoonsiiyay dagmooyinka iyo tulloyinka si ay u muujiyaan waxqabadkooda heerka sare ah ee barnaamijka horumarinta daryeelka deeganka ee isku-dhafan.

Afhayeenka Golaha is Maamulka diridhaba,mudane Cabdi Muktar, Ku-xigeenka Duqa Magaalada Mudane Xarbi Buuh, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laanta Diridhaba mudane ibraahim yusuuf,iyo Mas’uuliyiinta, xirfadlayaasha, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa ka soo qayb galay barnamijka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *