Sanad guurada 116-aad ee booliska Itoobiya ayaa lagu daahfuray tartanka ciyaaraha ismaamulka dir dhabe .

Tartan 5 km ah oo lagu xusayay 116 sannd guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska dalka itoobiya ayaa lagu qabtay ismaamulka dir dhabe .

Taliska Ciidanka booliska ee ismaamulka dr dhaba

Sanad guurada 116-aad ee booliska Itoobiya ayaa lagu daah furay tartanka Orodka ee horumarka Wadada mareenka cusub oo dhawaan la soo gabagabeeyay.

Tartankan oo ay ka soo qayb galeen ciidamada booliska ee ismaamulka dir dhaba, ciidamada cirka Itoobiya, qaybta saddexaad ee hawada iyo deegaanka, ayaa socon doona muddo dhawr maalmood ah oo lagu qabanayo ciyaaraha kala duwan.

furitaanka xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay ku xigeenka goolh afahyeenka ismaamulka dir dhaba Marwo Kariima Cali, mudane Dereje Tsegaye, xoghaye ku xigeenka xukuumada ahna madaxa xafiiska horumarinta ee xisbiga barwaaqo laantani dir dhabe mudane Getu T/Yohannes, gudoomiye ku xigeenka iyo gudoomiye ku xigeenka jaamacada booliska Itoobiya, masuuliyiin sarsare oo heer dawladeed ah, madaxda booliska iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada .

Taliyaha Ciidanka booliska ee sare ismaamulka dir dhaba mudane Alemu Megera oo xafladaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Ciidanka booliska Itoobiya ay wax badan u hureen u adeegida shacabka iyo ilaalinta midnimada qaranka iyo wadajirka dhulka Itoobiya.

Sida uu booliska Itoobiya u xusayo sanad guuradii 116-aad ee ka soo wareegtay aas aaskiisa, ma ahan mid muujinaya dhibaatooyinkii uu boolisku soo maray, balse waxay ahayd in dowlada hada talada haysa ay siisay hay’adaha ammaanka, abaabulka, tignoolajiyada, iyo qaabka ay hadda u muuqato, waxayna awood u yeelatay inay tusaale u noqoto Afrika oo dhinaca ammaanka ah. Waxa kale oo uu sheegay in Ciidanka booliska dir dhaba ay ku guulaysteen inay wax badan ka bedelaan dib u habaynta.

mudane Dereje Tsegaye oo ah Xoghaye ku xigeenka Xukuumada ahna Madaxa Qaybta Abaabulka ee Xisbiga barwaaqo ee laantisa dir dhaba ayaa sheegay in Ciidanka booliska dir dhaba ay qabteen hawlo kala duwan oo lagu sugayo nabadgalyada maamulka isla markaana ka maamul ahaan ay ka taageeri doonaan barnaamijyada mustaqbalka.

Sidoo kale waxaa bilado iyo abaalmarino la guddoonsiiyay xubnihii ku guuleystay tartanka orodka.

Shucayb daahir

Sawirka: Aganywo Shewarega

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *