Gollaha Xildhibanada is Maamulka Diri Dhaba, ayaa shir dag dag ah ku ansixiyay ajandayal kala duwan.

Golaha xildhibanada is Maamulka Diri Dhaba, ayaa yeeshay kal fadhiga dag dag ee 3aad, ee xili hawleedka 3aad,sannadkisa 5aad,oo ku ansixiyay ajandayal kala duwan.

Wuxuu sidoo kale golluhu ansixiyay magacaabisyo kala duwan, oo kala ah:-

1.Gollaha ayaa Codsiga ay soo gudbisay Afhayeenka Golaha is Maamulka,Marwo Fadxiya Adan, oo aha inay iyadu iskeed isku casishay ayaa laga dooday kadib, golluuhu cod buxa ku aqbalay codsigeeda.Waxana lomagacabay,Mudane,Cabdi Mukhtar oo horay u aha ku xigeenka xafiska ganacsiga,washadaha iyo malgashiga ee ismamulka diridhaba.

2.gollaha ayaa Marwo Lelise Axmad,oo dhawaan lomagacabaay Madaxa Xafiiska haweenka,carrurta iyo Arrimaha Bulshada ee ismamulka diridhaba, cod buxa ku ansixiyay.

3.golaha ayaa Mudane Bruuk Warqineh,oo loo magacaabay Madaxa Xafiiska Arrimaha Isgaarsiinta Dowladda ee is Maamulka Diri dhaba cod buxa ku ansiyaya.

4. gollaha ayaa sido kale,Mudane Fuad Maxamud,oo dhawaan loo magacaabay Madaxa Xafiiska Golaha is Maamulka diridhaba cod aqbaliyaad ku ansixiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *