waxaa ismaamulka dir dhabe laga daah furay carwo lagusoo bandigayay wax qabadka xafiisyada ismaamulkani dir dhabe.

#DGC| Gudba 02/ 2017t.i

Carwadani oo uu ujeedkedu ahaa in lagu xuso xuska sannad guurada 5aad ee kasoo wareegtay wakhtigi la aasasay xisbiga barwaaqo ee talada dalka haya ayaa lagu soo bandhigay waqabada xafiisyada ismaamulka oo qaab sawir ah iyo mid agabka waxsoosaarka warshadaha iyo waliba beerahaba lagu soo bandhigay.

Carwadani ayaa waxaa is wada jir ah u daah furay duqa ismaamulka dir dhabe mudane khadiir jawhar, ku xigeenka madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo laantisa dir dhabe mudane shaakir axmed iyo waliba ku xigeenada afhayeenada golaha wakiilada shacabka ismaamulka dir dhabe marwo kariima cali.

Carwadani ayaa lagu soo bandhigay waxqabadki ismaamulka ee dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo waliba arrimaha bulshada ee mudadi uu jiray xisbiga barwaaqo la fuliyay.

Cabdiraxmaan cismaan

Sawir qaade:-agayew shawaraga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *