Waxaa Laqabtay Shir Wada Tashi Ah Oo Ku Saabsan go’aamadii iyo Awaamiirtii ka soo baxay Shirwaynihii 2aad Ee Xisbiga barwaqo.

Shirkan oo halku dhagiisu aha “hadal ila dhaqan galiin”ayaa Waxaa loo qabtay xubnaha Ururka Xisbiga Barwaaqo ee dhammaan xarumaha dawliga ah ee ismaamulka Diridhabe.

Waxana ka mid aha hay’adaha dawliga ee loqabtay shirkan wada tashiga ah Golaha Xildhibanada is Maamulka diridhabe, Xafiiska Hanti-dhawrka, Xafiiska Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee ee ismamulka diridhabe,Xafiiska Arrimaha Isgaarsiinta ee ismaamulka Diridhabe, Xafiiska Horumarinta iyo dhismaha Magaalooyinka, Xafiiska Xirfadaha Shaqada iyo Horumarinta Tignoolajiyada, Xafiiska Haweenka, Carruurta iyo Arrimaha Bulshada iyo Komishiinka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Waxaana goobaha lagu qabtay madasha lagu soo bandhigay qoraalo lagaga doodayay go’ ammadi xisbigu dhawaan kaso saraay shir waynihii 2aad ee xisbiga iyo falanqayn lagu soo bandhigay in shirku ahaa mid ay ka soo baxeen fikrado badan, lagana soo saaray go’aamo horu marin kara xisbiga.

Waxaa la tilmaamay in looga fadhiyo dhamaan xubnaha in ay fahmaan oo ay ka shaqeeyaan awaamiirta lagana dhaadhiciyo bulshada dhaxdeeda iyo in si hufan looga shaqeeyo hirgalintooda.

Cabdilahi Cabdo

Sawir qade:Aganyaw Shawa araga iyo mulalam dhase

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *