Intii ay ku guda jireen kormeerkooda waxa ay sheegeen in ay soo arkeen dhaqaalaha ka soo xarooda warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe ee uu hirgaliyay ismaamulka Diridhaba isla markaana ay u suurtagashay in ay abuuraan fursado shaqo oo kala duwan.
Waxa kale oo ay sheegeen in ay arkeen dareenka uu maamulku siiyey dhinaca wax soo saarka oo ay ku taageereen hawlo la taaban karo.
Ku Xigeenka Xafiiska Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee ismaamulka Diridhaba Mudane Cabdi Muqtaar ayaa sheegay in xafiisku uu hore ula shaqayn jiray PETCO Ethiopia si dhalinyarada iyo haweenka ay uga faa’iidaystaan hal-abuurka ganacsi ee dhinaca warshadaha.
Waxa uu sheegay in warshaduhu ay kala shaqeynayaan isku xirka hay’adaha tacliinta sare ee ku saabsan wareejinta tignoolajiyada si loo kordhiyo tartankooda.
Waxa uu sheegay in la qabtay hawlo kala duwan oo lagu bedelayo baahida dalka dibeda loo soo dhoofiyo iyo in la kordhiyo dhoofinta si muwaadiniinta loogu abuuro fursado shaqo.
Sidoo kale waxa uu xusay in maamulku uu wado howlo lagu balaadhinayo warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe, islamarkaana natiijo wanaagsan laga gaaro.
Warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe ee ay booqdeen waxaa ka mid ahaa warshadaynta qalabka caafimaadka, warshadaynta daqiiqda, caanaha, dhalada biraha, warshadaynta dharka, dib u warshadaynta bacaha iyo kuwo kale.


