halkaas oo ay kula ciyaari doonaan Kooxda Qaranka Itoobiya (Walia) kulan ka tirsan lugta labaad ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika ee 2027.
Waftiga xulka Sao Tome iyo Principe ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Dir Dhabe, waxaana si diirran u soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan ismaamulka Dir Dhabe.
Sidoo kale, Kooxda Qaranka Itoobiya ayaa horay u timid magaalada, iyagoo diyaar u ah kulanka muhiimka ah. Ciyaarta labada xul ayaa lagu qaban doonaa Garoonka Caalamiga ah ee Dir Dhabe maalinta Talaadada soo socota, iyadoo la filayo tartan adag oo xiiso leh.


