Dadka ku nool Ismaamulka Dir Dhabe ayaa sheegay inay si weyn u sugayaan doorashooyinka toddobaad ee qaran iyo kuwa heer gobol, kuwaas oo berri ka qabsoomi doona guud ahaan dalka.

Caawa fiidkii, shacabka ku nool dhammaan degmooyinka maamulka ayaa muujiyey inay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay codkooda ku dhiibtaan jawi nabad, dimuqraadiyad iyo xorriyad ku dhisan. Waxay sheegeen inay si weyn u sugayaan furitaanka goobaha codbixinta berri subax 12:00, si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinnimo ugana qayb qaataan go’aaminta mustaqbalka dalkooda.

Hooyooyin, aabbayaal, dhallinyaro iyo xubno ka tirsan ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay si xor ah oo masuuliyad leh u adeegsadaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta.

Shacabka ayaa tilmaamay inay maalinta berri ku sugayaan rajo iyo kalsooni weyn, iyagoo aaminsan in cod kasta oo la dhiibaa uu door muhiim ah ka ciyaarayo xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo horumarka dalka.

Waxay sidoo kale xuseen in ka qaybgalka doorashadu yahay fursad ay shacabka ku muujiyaan rabitaankooda iyo doorkooda ku aaddan dhismaha mustaqbal wanaagsan.

Dadka deegaanka ayaa mar kale xaqiijiyey in guud ahaan Ismaamulka Dir Dhabe uu ka jiro jawi deggan oo nabdoon, isla markaana ay shacabka si weyn ugu heelan yihiin inay ka qayb qaataan doorashada berri, taas oo ay ku tilmaameen dhacdo taariikhi ah oo muujinaysa bisaylka dimuqraadiyadeed ee bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *