Wafti uu hogaminayo Maareeyaha Hawlgalka, Magaalooyinka iyo Dhulka (URL), ee Bangiga Adduunka qaybtisa Bariga Afrika Mudane mr Abhas K. Jha Wafdiga ayaa wadahadallo la yeeshay hoggaamiyeyaasha ismaamulka Diridhaba oo ku saabsan qodobbada ay maamulku sii wadi karaan xoojinta hawlaha lagu sameeyay taageerada Bangiga Adduunka, Hordhac ku saabsan mashaariicda uu Bangiga Adduunku maalgaliyo.
Waxaana madasha ka hadla Mudane Girma Tessama,oo ah Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ee ismamulka diridhaba, oo sheegay in Bangiga Adduunku uu sanadihii ugu dambeeyay bixinayay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee magalaada diridhaba. Waxa kale oo uu sharraxay dhismayasha wadoyinka dhagaxa qoran, biyo-xireennada ilaalinta daadadka, hawlaha horumarinta cagaaran, rakibidda nalalka waddooyinka iyo shaqooyin kale.
Mudane Girma waxa kale oo uu sheegay in mashaariicihu ay abuuri doonaan fursado shaqo ee bulshada, uu xoojin doonaa awoodda hay’adaha si ay u maareeyaan, u qorsheeyaan una hirgaliyaan mashaariicda una maareeyaan una soo saaraan dakhli.
Bangiga Adduunku wuxuu qorshaynayaa inuu barnaamijka UIIDP ku baddelo barnaamij cusub oo ka socda Waddada Bariga Itoobiya, sida uu sheegay mudane girma, wadahadalladooda ballaaran.
Maareeyaha Hawlgalka ee bagiga addunka mr Abhas K. Jha, ayaa ka hadlay shaqooyinka laga qabtay Diridhaba, iyadoo la kaashanayo Bangiga Adduunka. Waxa kalo uu sheegay in mashaariicda uu Bangiga Adduunku taageerayo maamulka uu sii wadi doono.
Waftigu waxay sidoo kale booqdeen hawlaha horumarinta ee laga fulinayo ismaamulka Diridhaba.


