Is Maamulka diridhabe ayaa, barnaamijka isku dhafka ah ee horumarinta khayradka biyaha ee 2017 ku dah furaay dagmada Xasaliso Ee Miyiga Ismamulka diridhabe.
Waxaana ugu horaynti munasibadan dah furka goob joog ka aha oo ka hadlay ku xigeenka madaxa Xisbiga barwaqo laantisa diridhabe ahna, Madaxa Arrimaha waaxda Siyaasada Mudane Shakir Axmad, ayaa sheegay in dhul ka badan 50 kun oo hektar lagu horumarin karo howlaha horumarineed ee biyo galinta ah ee ay wadaan dhaqdhaqaaqa ka qayb galka shacabka sanadihii lasoo dhaafay.Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay suurtagashay in kor loo qaado bacrimita ciidda, lana yareeyo khatarta fatahaadaha iyo abaaraha kuso wajihi kara bulshada.
Mudane Shaakir ayaa sidoo kale sheegay in horumar wayn laga gaaray dhanka tabcashada xoolaha iyo dalagyada.
Geesta kalena wuxuu sheegay masulku in hawshan isku dhafka ah ee horumarinta biyo galinta ee maanta billabmaatay socon doonto muddo 30 maalmood ah lana qorshaynayo in la badbaadiyo 48 kun 685 tan oo carro bacrimin ah oo ay daadadku qaadi karaan sanad walba iyadoo la fulinayo hawlaha ilaalinta ciidda iyo biyaha. 5 kun 550 hektar oo dhul ah iyo dhimista xaalufka dhulka 3.7 boqolkiiba.
Howlaha horumarinta ee isku dhafka ah ee sanadkan ayaa lagu muujiyay in laga hirgalin doono hawlo kor u qaadaya waxbarashada, caafimaadka, biyaha waraabka iyo daryeelka kalluunka.
Ugu danbayntii mudane Shaakir ayaa u mahad celiyay bulshada sida ay isugu soo baxday ugana qayb qaadatay horumarka.
Cabdilahi Cabdo.
Sawir qade: Salaam Ababe


