Duqa Ismamulka Magalaada diridhaba Mudane Khadir Juhar, ayaa sheegay inay ka mamul ahaan si hagar la’aan ah uga shaqayn doonnan sanadka cusub si loo sugo “nabadda iyo amniga maamulka iyo sidii loo kordhin lahaa loolanka maamulka, kobaca iyo barwaaqada Itoobiyana loo gaarsiin lahaa meel sare”

Maalinta Baqume 1-aad oo ah maalinta loo asteyay dulqaadka iyo adkaysiga ayaa si xamaasad leh looga xusay ismaamulka magaalada Diridhaba taas oo halku dhig loga dhigay “Dal Xoogan oo Aasaas Adag leh”.

Duqa magaalada diridhabe Mudane KhadirJuhar, oo goobta munasibada maalinkan ka hadlay ayaa dhambaalkiisa soo gaadhsiiyay, isagoo u rajeeyay in ay bulshadu maalintan wanaagsan u dabal dagan. wuxuuna sheegay in Itoobiya ay tahay dal ku socda wadadii ay ku lahayd caalamka, xaqiijinta horumarkeeda iyo kaso kabashada marxaladi xumaa ee laso dhafay, isla markaana qoraysa taariikh cusub.

Duqa magaalada Khadir, ayaa sheegay in inkasta oo dalkeenu uu soo wajahay cadaadisyo kala duwan oo isugu jira mid siyaasadeed, diblumaasiyadeed iyo mid dhaqaale 7-dii sano ee lasoo dhaafay, hadana uu si guul ah uga soo gudbay dhamaan caqabadaha jira.

Tan iyo intii ka danbaysay biyo xidheenkii wabi abay , kooxaha budhcaddu waxay si wayn ugu hawlanaayeen ku xad-gudbida qaranimadayada iyo fulinta rabitaankooda qarsoon iyagoo kashanaaya khilaafaadyada siyaasadeed ee dhexdeena ah iyo kala aragti duwanaanshiyaha mabda’a ah, wuxuu inta ku daray mudane Khadir, hadalkiisa, isaga oo sharaxaya in aynu ku guulaysanay himiladeenii ahayd in aynu dhisno hay’ad amni iyo nabad-galyo oo xoogan sanadihii ina dhaafay.

Duqa magaalada ayaa sidoo kale tilmaamay in aay sii xoojin doonan howlaha aay wadan ka maamul ahaan iyo howlaha baaxadda leh ee aan wadno si aan u gaarno riyada iyo hadafka ah in dalkeena uu noqdo mid leh dakad.

Ugu dambayntii waxa uu duqu ugu baaqay bulshada in laga wada shaqeeyo ilaalinta xasiloonida qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *