Waxaa ismaamulka dir dhaba soo gaadhay madaxweyne ku xigeenka xisbiga barwaaqo mudane aadan faarax.

Mudane aadan faarax waxaa marku soo gaadhay garoonka caalamiga ee diyaaradaha dir dhaba soo dhawayin diiran u sameeyay duqa ismaamulka dir dhaba mudane khadiir jawhar, madaxweynaha dawlad deeganka soomaalida mudane mustafe maxamuud cumar iyo ku xigeenkisa mudane ibraahim cusmaan iyo waliba masuuliyinta sare ee ismaamulka dir dhaba iyo deegaanka soomaalida.

Soo dhawaynta ayaa waxaa masuuliyinta ku waheliyay ugaas mustafe maxamad iyo ugaas siyaad daa’uud iyo odoyo dhaqameedka ismaamulkani dir dhaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *