Degmada 02 ee Dire Dhabe Horumarinta Marin-Haweeldka oo Xiiso Weyn Abuurtay.

Dadka ku nool Degmada 02 ayaa si weyn u soo dhaweeyay shaqada horumarinta marin-haweeldka ee ka socota deegaankooda, taas oo si muuqata u beddeleysa bilicda iyo adeegyada degmada.

Mashruuca waxaa loo fulinayaa laba marxaladood. Marxaladda koowaad waxaa laga hirgelinayaa waddooyinka

Buundada Akir (Sabria Resort) ilaa Buundada Shiinaha

Buundada Bridge ilaa garoonka

Mesqeleya ilaa Sheref Hotel Sebate

Mas’uuliyiinta Degmada ayaa sheegay in lagu dadaalayo in shaqada lagu dhammaystiro waqtigii loo qorsheeyay, iyadoo sidoo kale la fulinayo

Rinjiyeyn iyo qurxin guryaha ku teedsan waddooyinka

Rakibid nalal casri ah iyo jarista xadhkaha hawada mara

Hirgelinta mitir-ka wareegga guryaha iyo hay’adaha

Mashruucu wuxuu sidoo kale shaqo u abuuray 681 muwaadin, taas oo kor u qaadaysa dakhliga qoysaska iyo dhaqaalaha deegaanka

Marxaladda labaadna waxaa laga hirgelin doonaa:

Mesqeleya ilaa Gende Tesfa

Lamida Jerba ilaa Saldhigga Booliska Halole

Horumarkan wuxuu Degmada 02 siinayaa muuqaal cusub oo casri ah isla markaana kor u qaadaya nolosha bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *