Waxaa la tilmamaay in dhalinyaradu ay ka faa’idaystaan ​​fursadaha ay haystaan ​​sii ay uu noqdaan kuwo hal abuur leh.

Waxaa la soo gabogabeeyay madasha tayaynta dhalinyarada oo uu soo qaban qaabiyay komishiinka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee ismamulka diridhabe oo kaashanaya garabka dhalinyarada ee ismaamulkaasi waxana halku dhag looga dhigay “Ka qayb qaadashada dhalinyarada iyo ka faa’iidaysiga horumarka dhan walba ah”.

Waxaana madasha kaso qayb galay oo ka hadlay duqa ismaamulka magalada Diridhabe Mudane Khadir Juhaar oo sheegay in guushu ay ku timaado shaqo adag, waxaana uu ku macneeyay in dhalinyaradu ay maskaxdooda ku xoojiyaan oo ay ku dadaalaan in ay natiijo ka soo baxaan iyagoo ku daraya waxqabadkooda iyo hiigsigooda mustaqbalka.

Waxaa kalo uu sheegay in maadaama magaalada Diridhabe ay tahay magaalo ay qawmiyad badani ku wada nool yihiin sii isixtiraam leh, sida dartedna dhalinyaradu noqdaan kuwa hormuudka ka ah ka qayb-galka xoojinta iyo qiimahan wada noolanshaha.

Duqu waxa kalo oo uu yidhi inay tahay masuuliyad iyo waajib wayn oo laga rabo dhalinyarada inay si mug leh uga qayb qaataan maamulka iyo arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka, si ay mustaqbalkooda uga tashadaan.

Dhinaca kale,Mudane Khaalid Maxamad oo ah Komishineerka komishinka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee ismamulka Diridhabe, ayaa sheegay in dhallinyarada magalada Diridhabe ay si mug leh uga qayb-qaadanayaan hawlaha lagu ilaalinayo nabadda iyo xoojinta wada-jirka.

Waxa uu tilmaamay in inkastoo maamulku uu awood u leeyahay inuu diiwaan galiyo shaqo wax ku ool ah isagoo ka dhigaya dhalinyarada hal-abuur leh oo ka faa’iidaysta kuwa kale oo iyaga ka baxsan, haddana ay jiraan arrimo badan oo mustaqbalka u baahan in wax laga qabto.

Komishineerka ayaa sido kale sheegay in uu la shaqayn doono dhinacyada ay khusayso, gaar ahaan sidii kor loogu qaadi lahaa shaqo-abuurka dhalinyarada iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwo hal-abuur leh oo hanti-abuur leh, kuwaas oo ka faa’iidaysan kara dadka kale ee iyaga ka baxsan, iyaga oo ka faa’iidaysan doona fursadaha ay haystaan.

Waxa uu sheegay in tababarada kor u qaadista tayada ay sii xoojin doonaan si ay u kordhiyaan adeegsigooda teknoolajiyada, gaar ahaan meelaha faa’iidada laga heli karo, sida ganacsiga alada internetka.

Cabdilahi Cabdo

Sawirka:Aganyew Shewarega

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *