Ka dib markii ay yelataay hay’adda UNESCO, shirweynihii 19-aad ee ay ku aqoonsatay “Xeer Ciise” oo ah xeer dhaqameedka aan la qorin ayaa loo diiwaan galiyay inay tahay dhaxal caalami ah oo aan la taaban karin oo uu wakiil ka yahay aadanaha.
Waxana munasibadan lagu so dhawaynayay waftigan ugu horaynti ka hadlay duqa magaalada Diridhabe mudane Khaadir Juhaar oo muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, Sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO ay diiwaan galisay xeer dhaqameedka beesha Ciisaha Soomaaliyeed oo aan qornayn. dhaxalka caalamiga ah ee aan la taaban karin.
Mudane khadir ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in dokumantiga ay si wada jir ah u soo diyaariyeen dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Somalia si loo ilaaliyo loona ixtiraamo xeer dhaqameedka aan qornayn ee beesha Ciisaha, isla markaana loo haysto dhaxal ahaan, inuu yahay kii ugu horeeyay ee Afrika ka dhaca ee isku xidha saddexda wadan ee jaarka ah ee Geeska Afrikada bari.
Maayarku waxa kalo u sheegay in marka laga reebo in ay si nabad ah ku xalin karto khilaafyada bulshada dhaxdeeda, xalinta khilaafaadka Her ciise ay kaalin mug leh ku leedahay nidaamka casriga ah ee garsoorka maadaama ay qarniyo badan soo jirtay sii dulqaad iyo wada noolaansho ku dhehan tahay.
Geesta kale madaxwayne ku xigeenka deegaanka soomalida mudane ibraahin cusman ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Xeer Cisse loo aqoonsado lagana diwaan galiyo heer caalami wuxuuna u mahad celiyay intii ka qayb qaadatay guushan lagu guulaystay.
Waxa kalo munasibadan kaso qayb galay ku xigeenka duqa ismamulka diridhabe Mudane Xarbi Buux, Afhayeenka Golaha Xildhibanada Is Maamulka Diridhabe Marwo Fadxiya Adan, Madaxa Xafiska Xisbiga barwaqo laantisa diridhabe Mudane Ibraahin Yuusuf, Ugaasyada,Abagadhada iyo bulshada ku dhaqan magalada diridhabe qaybeheda kala duwan.
Cabdilahi Cabdo
Sawir qade:Aganyaw Shawa arraga


