Xafiiska Arrimaha warfaafinta dawlda ee ismaamulka Diridhaba, ayaa munaasibadda sanadka cusub qado sharaf kula qayb-galay xarunta waayeelka iyagoo si wada jir ah u ciiday.
Madaxa Xafiiska Arrimaha warfaafinta dawlda ee ismaamulka Diridhaba, Mudane Buruk Feleqe, oo ka qayb galay barnaamijka, ayaa salaan ka soo jeediyay waxa uu sheegay in xafiisku uu si joogto ah u soo booqdo xarunta, isla markaana barnaamijka maanta uu u badan yahay in si kalgacal iyo leh loogu ciidayo.
Mudane Buruk ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in la daryeelo, lagana farxiyo dadkii da’da ahaa ee dalkeena u soo shaqeeyay, isagoo ugu duceeyay in ciiddan ay noqoto mid nabad, farxad iyo midnimo.
Xafiiska Warfaafinta dawlda ee ismaamulka Diridhaba Mudane Milkesa Muume ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in la daryeelo oo la garab istaago dadka da’da ah, waxaana uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in si kalgacal, isku duubni iyo ku jirto ay dadka waayeelka ah ula ciidaan.
Mudane Tsome Minas oo ah Isuduwaha Xarunta Taakulaynta Waayeelka ee Macedonia laanteeda Diridhaba ayaa dhankiisa uga mahad naqay Xafiiska Arimaha warfaafinta dawlada ee ismaamulka Diridhaba taageerada ay si joogto ah u siiso xaruntan waxa kale oo uu uga mahad celiyay sida ay maanta u wada ciidayeen.
Shaqaalaha ka howlgala makoduniya oo aan la hadalnay iyaga oo si wada jir ah ugu dabaaldagayay fasaxa ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in sanadka cusub ay la qaataan dadka da’da ah ee dalkeena u soo shaqeeyay mudadii ay dhalinyarada ahaayeen.


