Waxaa lagu dhawaqay in lasii xoojin doono casriyayta adeegyada garsoorka.

Magaalada Diridhaba waxaa ka socda shirka Madasha sharcii Turjumaada Qaranka oo uu goob joog ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Faderaalka Itoobiya Mudane Tedhiroos Mihiratu.

Waxana Ugu horayn madashasi ka hadlay kusi simaha duqa magaalada Diridhaba ahna madaxa xafiska maaliyada iyo dhaqalaha ee ismamulka diridhaba, marwo Muluuka Maxamad, waxayna sheegtay in maxkamada dhaqanka laga bilabay oo lagu dhaqmaa maamulka iyo ku dhawaaqista go amada.

Sidoo kale waxay sheegtay hab-dhaqanka wanaagsan ee maxkamadaha heer federaal iyo heer ismamul inta lagu guda jiro hirgalinta qorshaha isbaddelka maxkamadaha, nooca iyo baaxadda teknoolojiyadda ay hirgeliyeen maxkamadaha heer federaal iyo heer maamul goboleed ee ku aaddan dhijitaaleynta adeegga garsoorka dalka.

Dhanka kake,Mudane Tedhiroos mihirat oo madax waynaha maxkamada guud ee fadaralka ayaa sheegay in lacasriyey dhaman maxkamadaha fadadaralka iyo kuwa deganada,waxana warbixinta waxqabad ee qodobadii laso qabtay la soo bandhigo kadib doodihii madasha hore ka dhacay laa ansixiyay.

Ugu dambayntiina, waxa uu sheegtay in hawlaha la qabanayo ay sii xoojin doonaan, iyada oo la darsaynayo adeegga garsoorka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *