Waxaa lasheegay in Ka hortagga musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta sidi loo dabar goyn laha bulshada mas’uuliyadd kasarantahy.

Komishiinka La-dagaallanka musuqmaasuqa iyo anshaxa ee is Maamulka Diridhaba, ayaa tababar siiyay ururada haweenka iyo dhalinyarada ee ismaamulka, oo halku dhagisu ahaa “Doorka Abaabulka ee Ka Hortagga Musuqmaasuqa iyo Dhaqannada Xun iyo Dhisidda Anshaxa Bulshada.

Waxaana furitaanka tababarka,ka hadlay Komishiineer komishiinka La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo Anshaxa ee is Maamulka diridhaba,mudane Fenus Cabduljabar, oo sheegay in dhalinyarada iyo haweenku ay door muhiim ah ka ciyaaraan horumarka iyo barwaaqada dalka, wuxuu sharaxay in anshaxu uu muhiim u yahay ka hortagga musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta.

Komishineer Fenus, ayaa sido kale sheegay in madasha tababarku uu yahay goob laysku waydaarsado khibradaha,iyo in ka hortagga musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta iyadoo la adeegsanayo qiyamka bulshada ay tahay mas’uuliyadda bulshada oo dhan qusaysa.

Komishiineerka,ayaa sheegay in ururada haweenka iyo dhalinyarada ay mas’uuliyad ka saaran tahay ka hortagga musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta iyo abuurista wacyigalin ballaadhan ee bulshada dhaxdeeda lasameynayo muhimad u tahay inu komishiinka Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Maamulku sii wadi doono inuu si dhaw ula shaqeeyo ururada dhalinyarada iyo haweenka.

Ka qaybgalayaasha tababarka ayaa dhankoda sheegay inay si wadajir ah uga shaqayn doonaan ka hortagga musuqmaasuqa iyo wax lunsashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *