Bixinta cashuurta waa waajib muwaadin kasta saaran -aklile tateq

War saxaaafadeed ay soo saartay wakaalada dakhliga ee ismaamulka diri dhaba ayaa lagu qabtay xafiska dakhliga taasi oo lagaga hadlayey cashuur bixinta ee ismaamulka dir dhaba

War saxaafadeedkan waxaa qabtay Agaasimaha Waaxda tababarka Waxbarashada, Adeegga Macaamiisha, Diiwaannada iyo Kaydka ee wakaalada dakhliga ee ismaamulka diri dhaba mudane Aklile tateq

Mudane aklile ayaa sheegay in Wakaalada dakhliga ee ismaamulka Diri dhaba iyadoo tix raacaya bayaanka cusub ee ay soo saartay Dawladda Federaalka, ay xoogga saaray sidii aan u hirgelin lahayn sharcigan cusub .

Sanadkan, waxaan ku qiyaasnay in aan soo ururino 2.5 bilyan, balse ilaa hadda waxaa la soo ururiyey 1.7 bilyan.

Sidoo kale mudane aklile ayaa sheegay in Cashuurbixiyeyaal badan ay xafiiska imanayaan balse lama oran karo dhammaantood way yimaadeen. Sidaas darteed, waxaan ka codsaneynaa cashuurbixiyeyaasha in ku bixiyaan cashuurtooda ka hor inta aan ganaaxyada la bilaabin.

Sida uu dhigayo bayaan cusub,ee tirsigiisu yahay 1395/2017 tirsiga itoobiya haddii ay wax shaqo ah qaban. waxay cashiurta ka bixinayaan cashuurbixiyayaashu rasaamlkooda boqolkiina 2.5%.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in raasidada (receipts) la isticmaalo si sax ah, lana sameeyo kuwa cusub oo rasmi ah. Waxaan soo saarnay raasidyo badan, sidaas darteed waxaan idinka codsanayaa inaad ka soo qaadataan xafiiska.

Wuxuu masuulku intaas ku daray.inay jiraan cashuurbixiyeyaal sanadkii hore aan waxba bixin, balse sanadkan ay doonayaan inay wareejiyaan cashuurtii hore taas lama ogola.

Dhinaca kale,masuulku wuxuu ka hadlay faaiidada Aya leedahay iswaafajita TIN number-ka iyo fayda waa in ay is waafaqaan oo lagu isku xidho SI systemka ay ugu wada jiraan.

Guud ahaan, mudane aklile ayaa sheegay bixinta cashuurta waa waajib qaran. Waa arrin wanaagsan oo dalka horumar u horseedaysa. Waxaan maqalnay dad sheegay in sharcigan sanadkan aan la hirgelin doonin, balse taasi ma aha mid sax ah. Dawladda Federaalka waxay qorshaysay in sharcigan la hirgeliyo bisha Hamle 1, 2017, waxaana loogu talagalay in si buuxda loo dhaqan geliyo.

Ugu dambeyntii, wuxuu masuulku u mahadceliyey macaamiisha iyo cashuurbixiyeyaasha waqtigooda ku bixiya cashuurta. Waxaan rajaynayaa in bishan hadda socota aad sii wadi doontaan bixinta cashuurta si ka wanaagsan sidii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *