“Diri dhabe in ay tahay magaalo nabdoon oo fir fircoon marka laga soo tago waa magaalo dhidibada u taagtay iskuduubni warshadaha Itoobiya”Wasiirka warshadaha mudane Melaku Alebel

Duqa magaalada Diridhaba mudane Khedir Juhar oo uu weheliyo wasiirka wasaarada warshadaha mudane Melaku Alebel ayaa maanta xadhiga ka jaray 11 warshadood oo wax soo saar ah.

Dhanka kale Duqa Magaalada Diridhaba mudane mudane Khedir Juhar ayaa sheegay in tan iyo intii isbadalku dhacay ay howlo dhiiri galin ah ka sameeyeen dhanka wax soo saarka maamulka Diridhaba Waxa uu sheegay in warshadaha wax soo saarka ay sarifka lacagaha qalaad ay u dheer tahay in ay fursado shaqo u abuuraan bulshada deegaanka.

Duqa magaalada Khedir ayaa tilmaamay in la sii xoojin doono wada shaqaynta maalgashadayaasha gaarka ah ee qaybta iyo taageerada la siiyo qaybta.

Wasiirka warshadaha mudane Melaku Alebel ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Diridhaba ay tahay magaalo nabdoon oo camiran, sidoo kalena ay tahay magaalo lagu aas aasay dhaq dhaqaaqa warshadaha Itoobiya.

Wasiirka uu guulo dhiiri galin ah ka soo hooyay bedelka wax soo saarka dibadda, kordhinta wax soo saarka iyo abuurista fursado shaqo, wuxuuna sheegay in warshadaha maanta la furay ee la furay ay wax wayn ka tari doonaan xarunta warshadaha ee magaalada.

Wasiirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dadaalka ay maamulku ugu jiraan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhanka warshadaha, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan mustaqbalka.

Maayar ku xigeenka ahan madaxa xafiiska ganacsiga malgashiga iyo warshadaha ismaamulka Diridhaba mudane Xarbi Buux ayaa sidoo kale tilmaamay in lagu dadaalayo sidii magaalada Diridhaba looga dhigi lahaa xarun warshadeed, isla markaana warshado kale lagu hawlgelin doono muddo kooban.

Barnaamijka daah furka mashruucan ayaa waxaa ka soo qayb galay maayarka magaalada Diridhaba mudane,Khdir Juhar, wasiirka warshadaha, Melaku Alebel, ku xigeenka duqa magaalada Diridhaba, ahna madaxa xafiiska ganacsiga malgashiga iyo warshada mudane Xarbi Buux , gudoomiyaha golaha deegaanka ee maamulka Diridhaba, Marwo fatxiya Aaden, ku xigeenka xoghayaha golaha dhexe ee maamulka Diridhaba, marwo kariima Cali Xisbiga Barwaaqo, mudane Ibraahim Yuusuf, iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo marti sharaf lagu casuumay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *