Xafiiska Haweenka, Caruurta iyo Arimaha Bulshada ee isMaamulka Diridhaba, oo kaashanaya Xarunta Haweenka iyo Dhalinyarada ee Itoobiya ayaa agab waxbarasho gaadhsiiyay ardayda danyarta ah munaasibada sanadka cusub awgeed.
Madaxa Xafiiska Haweenka, Caruurta iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Diridhaba Marwo Xukmiya Maxamad oo ka qayb gashay barnaamijkan ayaa sharaxday in taageero loo fidiyo dadka danyarta ah ee ku nool miyi iyo magaalaba ee maamulka Diridhaba; Waxa ay sheegtay in taageerada maanta ay tahay mid looga hortagayo in ardayda danyarta ah ay waxbarashada uga tagaan sababo la xiriira agab waxbarasho.
Marwo Hukmiya ayaa sheegtay in waxbarashadu ay qayb wayn ka qaadanayso dardar gelinta geediga barwaaqada ee uu dalkeenu u bilaabaay, waxaanay kula talisay in dhammaan ardaydu ay noqdaan kuwo wax ku ool ah oo si habsami ah u xaadira waxbarashadooda; waxay kaloo tilmaantay in ardayda danyarta ah la taageero.
Agaasimaha sentro Ayut Per Li Ethiopia, mudane Paulo Lanvardo, ayaa sidoo kale tilmaamay in sentro Ayut Per Li Ethiopia ay tahay hay’ad caawisa dadka danyarta ah. mudane Paulo ayaa tilmaamay in taageerada la sii xoojin doono mustaqbalka.
Dadkii deeqdan loo fidiyay ayaa si wayn ugu mahad celiyay, waxayna muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in la garab istaago.


