Guryo Sii Mutadawaacnimo Lagu Dhisay OO Logu Talgalay Dadka Hayntodu yartahay Ayaa Manta Lagu Wareejiyay.

Waxaa la sheegay in xilliyada jilalka lagu guda jiro howlo lagu xalinayo dhibaatooyinka bulshada iyo dhaqaalaha sida ku cad barnamijka

Iska wax u qabso ee ismamulka magalada diridhabe lagag xirgaliyay dib udhis logu sameyay guriyaha dadka danyarta ee hayntodu yartay.

Waxana ugu horaynti munasibadan ku wareejintan guriyaha oo ka dhacday dagmada 04 komishiineerka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha diridhabe Mudane Khaalid Maxamed oo sheegay in howlo horumarineed oo kala duwan oo dadka danyarta sii mutadawacnima ah logu qabtay xiliyada jilalka Intii lagu guda jiray ku baxday in ka badan 15 milyan oo birr si loo fududeeyo dhibaatooyinka adeegyada bulshada.

Waxa kalo u sheegay mudane khaalid oo hadalkisa si wata in guryihii la dhisay maanta lagu wareejinayo dadka danyarta ah ay iska ka shadeen hay’adaha kala duwan oo dawliya iyo kuwo an dawli ahayn arrintani muujineyso horumarka iskaa wax u qabso ah.

Waxa kalo lasheegay in xilliyada jilalka dad badani sii mutadawacnima ah uga qeyb qaataan ku deqida agabka waxbarashada, dhiig ku deeqida, horumarinta biyaha, qaybinta cunoyin kala duwan horumarinta deegaanka iyo nadaafadda, ciyaaraha, dhismaha iyo dayactirka guryaha dadka da’da ah ee hawl gabka ah.

Waxa kalo manta guriyoo dib udhiska lagu sameeyay lagu wareejiyay afar qoys oo danyar ah oo ay iska kashadeen dhismohoda laanta badda iyo saadka ee Itoobiya ee waxdeda diridhabe, waaxda guud ee taliska booliska diridhabe iyo maamulada dagmoyinka magalada.

Waxayna ugu danbayn no shegeen gudomiyayasha dagmada 04 iyo 01 in isku xirka bulshada ay hawshan qayb wayn ka qadatay so ururinta agabyada dadka tabarta yar logu dhisay guryihii ay ku noolaayeen oo horaay u dayacnaa maantana iyago si cusub ah lagu wareejiyay dadki logu talagalay.

Waxa kaloon darenkoda lawadagnay dadki lagu warejiyay guryaha ee danyarta aha ee lagu wareejiyay guriyaha in ay guryihii ay horay uu deganaayeen ay dhibaato ku qaabi jireen xiliyada roobabka jiilaalka iyo qoraxda xagaaga, waxaayna u mahadceliyeen dadkii ka qay qataay dhismaha guriyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *