waxaa la sheegay in xanuunada ku dhaca maskaxda ay inta badan sabab u tahay isticmaalka mukhadaraadka.

kulan oo lagu soo bandhigayay qoraalo ka hadlayay dhibaatooyinka caafimaad ee laga dhaxlo isticmaalka mukhadiraadka iyo waliba isku buuqa oo ay soo diyaarisay jaamacadda dir dhaba oo la kaashanaysa hay`adda Ali birra foundation ayaa waxaa si qoto deer looga hadlay sidi meel looga soo wada jeedsan laha dabar goynta dhibaatoyinkani xanuunada ku dhaca dhimirka.

Kulankani ayaa waxaa qoraal kasoo jeediyay Mustafa al abe oo ah macalin wax ka dhiga jaamacadda minnisota ee dalka maraykanka culumta cilmi nafsiga ayaa wuxuna sheegay in dhibaatooyinka caafimaad darada ee laga dhaxlo isticmaalka mukhaadiraadku ay ku soo badanayso caalamka wuxuna sheegay in dadka xaruumaha caafimaadka u imanaya xanuunada ay boqolkiba 14% ay yihiin kuwo dhanka maskaxkaxda ka cabanaya taasi oo ay intooda badani la xidhiidho isticmaalka mukhadaraadka iyo waliba isku buuqa maskaxda oo ku badan dadka da`aha dhalinyaro nimada ku jira.

Kasoo qayb galayaasha kulankani oo ahaa wakiilo ka kala socday xarumaha caafimaadka ee ismaamulkani dir dhabe iyo waliba bah-wadaagta waaxaha caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay in ismaamulkani dir dhabe iyo nawaaxigiisuba ay ku soo badanayaan dadka isticmaala mukhadaraadka sida jaadka iyo waliba cabitaanka alkoolka loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dhibaatadani.

Ugu danbay waxay marwo Dr ubax aadan oo ah madaxweynaha jaamacadda dir dhaba ay kasoo qayb galayaashi kulankani ay booqasho ku gaysay cusbitaalka wayn ee jaamacada oo laga furay xarun si gaar ah lagula tacaalo dadka xanuunada maskaxda ka cabanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *