Dhanka tartanka waxa si wada jir ah shir jaraa’id uqabtay Agaasimaha Farsamada ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Itoobiya mudane Ashebir Demissie iyo Gudoomiye ku xigeenka xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Itoobiya mudane Axmed Cabdoo.
Ujeedada ugu weyn ee tartanka ciyaaraha fudud oo socon doona 7 maalmood oo xidhiidh ah ayaa ah in la soo xulo ciyaartoyga u matali doona dalka Itoobiya tartanka ciyaaraha fudud ee dhalinyarada Afrika ee ka socda dalka Nigeria oo fursad loo siiyo inay ku tartamaan.
In ka badan 45 naadi oo ka kala socda 10 gobol iyo labada ismaamul magaalo ayaa ka qeyb galaya tartankan oo socon doona 18-ka ilaa 24-ka bishan miicaad.
825 ciyaartoy oo lab iyo dheddig ah oo da’doodu ka yar tahay 20 jir ayaa ka qaybqaadan doona, halka 370 ciyaartoy ay ku tartami doonaan qaybta 18 jirada, wadar ahaan 1192 ciyaartoy.
Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay in abaal marin lacageed iyo mid dhiirigelin ah la guddoonsiin doono tartamayaasha kaalmaha 1-aad ilaa 3-aad ka gala tartanka.
Waxa kale oo la sheegay in tartanka ciyaaraha fudud ee Itoobiya ee ay martigelinayso ismaamulkani dir dhaba uu wax weyn ka tari doono naadiyada dhalinyarada ee maamulka, isla markaana fursad weyn u abuuri doona qabashada tartamo heer qaran ah.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay bahda ciyaaraha ee maamulka, qoysaska iyo dadka deegaanka in ay gacan ka geystaan tartanka ciyaaraha fudud ee dalka oo berri bilaabanaya.
Shucyb daahir
Sawirka: Natan Shewangzaw


