waxaa la sheegay in loo diyaar garoobay in si nabad galyo ah loo xuso munaasibadda ciidda ay xusaan dadka aamisan diinta kiristanka ayaa waxay maalmaha foodda nagu soo haya u dabaal dagi doonaan ciidda dimqat oo ah ciidaha lagu xuso waddooyinka.

Kulan balaadhan oo ay si wada jir ah u shir gudoominayeen ku xigeenka duqa ismaamulka ahna madxa xafiiska ganacsiga, warshadayinta iyo maalgashega ee ismaamulka dir dhabe mudane xarbi buux, koomishineerka koomishinka booliska ismaamulka dir dhabe koomishineer alamu magara iyo waliba ku xigeenka madaxa xafiiska sharciga iyo caddaalada ee ismaamulka mudane cabdala bakar oo looga hadlayay sidi la is kugu kaashan lahaa in ay munaasibadani ku soo dhamaato si nabad galyo ah.

waxaa ugu horaynti furay kulanka mudane xarbi buux oo sheegay in munaasibadaha caynkani oo kale ah gabaad ka dhigtaan kooxaha nabad diidka ah isagoona carab baabay kooxda shane, alshabaab iyo waliba kooxda hadda deegaanka amxaarada dagaalka ka wadda ee isku magacawday faano.

Geesta kale koomishineerka boolis koomishinka ismaamulka dir dhabe koomishineer alamu magara ayaa sheegay in ciidanka boolisku wadeen tabaabulsho balaadhan oo ay ku ilaalinayaan amniga magaaladani dir dhabe wuxuna sheegay in ummadda aaminsan diinta kiristanka looga fadhiyo sidi ay ula shaqayn lahaayeen laamaha ammaanka.

Inta badan ciidaha sidan oo kale ah ayaay kusoo dhex dhuuntaan dadka nabad diidka ah iyado bulshada ismaamulka lagu garanayo is jacaylka iyo wada noolaanshiyaha ayaa haddana loo baahan yahay in laga digtoonaado in ciidda wixi khal khal galinaya oo ay ugu horayso qarxinta rashta, in lasoo qaato calano aan sharci ahayin iyo in laga shaqeeyo u hogaansanaanta laamaha ammaanka.

Ugu danbayni ayay sheegen aabayaashi ka kala imiday kinisadaha magaaladani dir dhabe in uu iyaga iyo masuuliyinta ismaamulka xidhiidh wanaagsan ka dhexeeyo ayana dhalinyarada u sheegan in inta munaasibadani lagu guda jiro lala shaqeeyaan laamaha ammaanka una hogaansamaan awaamiirtooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *