Astaantan ayaa si rasmi ah loogu soo bandhigay xubnaha xisbiga intii lagu guda jiray bandhigga doorashada guud ee 7aad, iyadoo lagu hoos qabtay hal-ku-dhegga ah: “Itoobiya oo ah waddan ku dayasho mudan!”
Hoggaanka iyo xubnaha xisbiga ee ka qaybgalay munaasabadda ayaa sheegay in xisbigu, oo ku dhisan fikradda isdhexgalka iyo wadajirka, uu gaaray guulo muuqda oo qaran, kuna kasbaday kalsoonida shacabka.
Waxay xuseen in “xidhma qamadi ah” ay astaan u tahay wadajir, wax-soo-saar iyo horumar, isla markaana muujinayso madaxbannaanida iyo sharafka bulshada.
Waxaa sidoo kale la tilmaamay in xisbigu ka shaqeynayo sidii Itoobiya looga dhigi lahaa tusaale barwaaqo oo Afrika ku dayato, isagoo hirgeliyey mashaariic waaweyn oo heer qaran iyo heer maamul ah, kuwaas oo aan kaliya la bilaabin, balse lagu dhammaystiray tayo iyo waqtigii loogu talagalay si ay bulshada ugu adeegaan.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Duqa Magaalada mudane Khedir Juhar, ku-xigeenkiisa, afhayeenka golaha, madax xafiisyo kala duwan, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, hoggaamiyeyaasha sare ee maamulka iyo dad tiro badan oo ka mid ah xubnaha xisbiga


