isaga oo noqday dhacdo taariikhi ah oo magaalada ku soo kordhisay firfircooni iyo midnimo bulsho.
Tartankan oo cinwaankiisu ahaa “Aan u orodno Itoobiya yar” ayaa waxaa iska kaashaday Guddiga Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wakaaladda Dakhliga ismaamulka iyo la-hawlgalayaal kale, waxaana soo qabanqaabiyay Tartanka Nuru.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qayb galay Duqa Magaalada mudane Khedir Juhar, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqada ee laanta Dire Dhabe mudane Ibrahim Yusuf, Komishinerka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha mudane Khalid Maxmed iyo mas’uuliyiin kale oo heerar kala duwan ah, kuwaas oo ay weheliyeen boqolaal ka mid ah bulshada magaalada.
Barnaamijka ayaa ku bilowday jimicsi wadajir ah, waxaana si rasmi ah u daah-furay Duqa Magaalada mudane Khedir Juhar, oo ku bogaadiyay qabanqaabiyeyaasha iyo ka-qaybgalayaasha doorkooda ku aaddan dhiirrigelinta nabadda, caafimaadka iyo isdhexgalka bulshada.
Mudane Wondeye Tadesse, Madaxa Qabanqaabiyaha Dhacdada Nuru, ayaa sheegay in ujeeddada tartanku tahay xoojinta nabadda Dire Dhabe iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo magaalada si ay u noqoto xarun maalgashi oo soo jiidasho leh.
Wuxuu xusay in tartankan habeenimo uu yahay kii ugu horreeyay noociisa ah ee lagu qabto magaalada, isla markaana uu door weyn ka qaadanayo kor u qaadista sumcadda iyo muuqaalka wanaagsan ee Dire Dhabe.
Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay tartanka ayaa muujiyay farxaddooda, iyagoo tilmaamay in Dire Dhabe ay tahay magaalo nabdoon oo leh nolol iyo dhaqdhaqaaq habeen iyo maalinba ah.
Ugu dambayn, ka-qaybgalayaashii ku guuleystay tartanka ayaa la guddoonsiiyay abaalmarino dhiirrigelin ah, taasoo sii xoojisay niyadda iyo dhiirrigelinta dhalinyarada iyo bulshada guud ahaan.


