Ololaha Isku dhafka ah ee Wareegii 3aad ee Tallaalka Dabaysha ee ismaamulka Diridhaba oo si rasmi ah u furmay

Wareegga 3-aad ee isku dhafka ah ee ololaha tallaalka dabeysha, in ka badan 97,000 oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5 sano jir ayaa lagu tallaali doonaa miyi iyo magaalo ee maamulka.

Wareegii 3-aad ee ololaha talaalka cudurka dabaysha oo maanta si rasmi ah u daah furay maamulka ayaa waxaa si rasmi ah u daah furay maayarka magaalada Diridhaba mudane Khedir juhar .

Wareegii 3-aad ee ololaha tallaalka cudurka dabeysha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay madaxa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO Dr. Sarah Malumo, kooxda UNICEF ee cudurka dabeysha, culumaa’udiin, aqoonyahanno caafimaad, madaxda degmooyinka iyo marti sharaf lagu casuumay.

Duqa magaalada Diridhaba mudane mudane Khedir nuhar oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay in la garab istaago dadaal kasta oo lagu ciribtirayo cudurka dabeysha iyadoo loo marayo ololaha tallaalka ka hortagga iyo xakameynta cudurka dabeysha waxa uu kula dardaarmay waalidiinta, culumaa’udiinka, odayaasha, bahda waxbarashada iyo hay’adaha kale ee dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahaynba in ay sii wadaan taageeradooda si ololuhu u guulaysto.

Ku xigeenka xafiiska caafimaadka ee ismamulka Diridhaba mudane Yuusuf Siciid ayaa isna xusay in xafiisku uu si wayn ugu diyaar garoobay ololaha talaalka dabaysha ee wareegii 3aad, waxaanu sheegay in isku xidhka cid kasta oo ay khusayso ay muhiimad gaar ah u leedahay hirgalinta ololaha talaalka.

Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) Dr. Sarah Malumo, oo ah Madaxa Kooxda Hay’adda UNICEF ee Dabaysha, ayaa farriinteeda ka jeedisay furitaanka barnaamijka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *