Waxaa Laa Qabtay Madal Ku Saabsan Xaalada guud Ee Dawarsiga Wadooyinka magalada Diridhaba.

Xafiiska Haweenka, Caruurta iyo Arrimaha Bulshada eeis Maamulka Diridhaba oo kaashanaya Xafiiska Cadaalada iyo Arrimaha nabaad galyada ee is Maamulka Diridhaba iyo Hay’adda isku dhafka ah ee horumarinta bulshada ayaa maanta la yeeshay dood wada tashi ah oo ku saabsan xaaladda nololeed ee waddoyinka iyo dawarsiga is maamulka magalada Diridhaba.

Waxana ugu horaynti madashasi ka hadlay madaxa xafiska caddalada iyo arrimaha nabaad galyada ee ismamulka diridhaba mudane Cabdilsalan maxamad oo sheegay in Dawladdu aay waddo mashaariic kala duwan oo lagu xallinayo dhibaatada aay ledahay nolosha waddooyinka iyo tuugsiga ee dalkeena.Magaalada Diridhabana waxaa si gaar ah looga wadaa dadaallo lagu doonayo in muwaadiniinta laga xoreeyo dhibaatooyinka waddooyinka iyo tuugsiga iyo sidii loo soo saari lahaa dad iskood u shaqaysta, oo noloshoda ku filnadaa mustaqbalka.

Sidoo kale, waxaa isla maanta lagu soo bandhigay dukumeenti diirada lagu saarayay xaalada noloshawadooyinka iyo dawarsiga ee ka jira magaalada Diridhaba iyo sida ay saameeyn ugu leyihin magalaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *