Xafiska shaqada iyo xirfadaha ee ismamulka diridhabe ayaa bah wadagta xafiska u qabtay madal dood wadag ah oo ku saabsan qiimaynta hirgalinta qorshaha sannad miisaaniyadka 2017 iyo qabyo qoraalka qorshaha sanad miisaaniyadeedka 2018-ka.
Waxaana ugu horaynti madasha ka hadlay madaxa xafiiska shaqada iyo xirfadah ee ismamulka diridhabe mudane Roobek Getachaw, oo sheegay in aay dib u eegis ku samayn doonan hawlihii uqabsomay tan iyo intii uu isbadalku dhacay, isla markaana ay sanadka soo socda u soo uruurin doono agabka ay ku jiraan iyo meelaha ay ku liitaan.
Waxa kalo uu sheegay inay ka shaqayn doonan afar arrimood oo waawayn oo kala ah: dhismaha hay’adaha, habaynta iyo hawlgalinta, shaqo abuurka, ka faa’iidaysiga fursadaha shaqo ee ka jira magaalada Diridhabe, tababarrada farsamada ee gacanta, ogolaanshaha rasmiga ah, habka tababarka gaaban iyo qiimaynta, shaqaalaha.
Waxaa lagu soo bandhigay qorshaha xafiiska ee xilliga dhexe oo ah 3 sano, waxaana qodobada ugu muhiimsan ee qorshaha 2018 ka mid ahaa dhanka farsamada gacanta, fidinta warshadaha, qiimaynta shahaadooyinka xirfadaha, shaqo abuurka iyo horumarinta ganacsiga, nabadgalyada warshadaha iyo badbaadada shaqada.
Marka laga soo tago warbixinta iyo dukumeentiga qorshaha, fikrado badan ayaa lagu soo bandhigay madasha doodda.
Waxaa kalo, la sheegay in maadaama ay ku cusub tahay miyiga shaqo abuurka loo baahan yahay in la qabto hawlo badan oo lagu xoojinayo qaybta farsamada, cilmi baarista iyo xal u helida maamulka suuban, adeegyada bulshada, galitaanka ardayda, farsamada gacanta, iyo kor u qaadista tayada shaqaalaha hay’adda.
Guud ahaan sanadkan 2017-ka waxa uu ka xafis ahaan uu ahaa mid aad u wanaagsan,balse madaxa xafiiska ayaa tilmaamay in uu si wada jir ah ula shaqayn doono dhinacyada ay khusayso si wax looga qabto dhibaatooyinka la arkay mustaqbalka.
Cabdilahi Cabdo
Sawirka: Salaam Ababe.


