Tartankii ciyaaraha dugsiyada ee ka socday ismaamulka dir dhaba ayaa lasoo gaba gabeeyay.

Waxaa maanta la soo gebagebeeyey tartan ciyaareedkii sannadlaha ahaa ee ardayda sannadka 2017 ee dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyadoo halku dhiggiisu yahay in la soo saaro qof qani ku ah ciyaaraha ay lagama maarmaan u tahay ka midho dhalinta himilada waxbarasho tayo leh.

Tartankan Isboortiga ayaa socday muddo labo bilood ah, waxaana ka qeyb galay in ka badan 4500 oo arday oo ka kala socday 42 dugsi oo magaalada ka kooban tahay 8 ciyaarood. Tartanka ayaa sidoo kale soo gaaray heerkii ugu dambeeyay ciyaar kubadda cagta ah oo dhexmartay Iskuulka Cusub iyo Dugsiga Legehare.

Ciyaartii ugu dambaysay ee kubadda cagta oo dhexmartay Dugsiga Cusub iyo Dugsiga Legehare, ayaa Dugsiga Cusub waxa uu guushu ku raacday 4 iyo 2, waxa kale oo abaal marinno kala duwan lagu guddoonsiiyey dugsiyadii iyo ardaydii ku guulaysatay 8 tartan oo kala duwan oo Isboorti ah, iyadoo sidoo kale la guddoonsiiyey ardaydii ka qayb qaadatay guusha tartanka.

Shucayb daahir

Sawirka:- Aganywo Shewarega.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *