Shirkadda gaadidka ee Swift, ayaa bixisaay tababar ku saabsan dayactirka aasaasiga ah iyo baabuurta korontada iyo sidoo kale isticmaalka gaadiidka shidalka ku shaqeeya.

Waxaana madashasi tabobarka ka hadlay Maareeyaha shirkadda Swift Transport, Mudane Bruuk Ashabir,oo sheegay in Swift Transport ay sii hufan ugu qaybinayso gawaarida korontada dadka isticmaala,wuxuuna sheegay inay Swift Transport bixin doontoo tabobaro ku saabsan cusboonaysinta gaawarida.

Shirkaddu waxay saddex shaqaale uguso tababartay dalka Shiinaha waxayna hadda u duulinaysaa sida ku cad tababarka ay heleen xirfadlayaasha. Waxay sidoo kale isu diyaarinayaan inay baaraan dhibaatooyinka farsamo ee ku xeeran gawaarida.

Ugu dambayntii,mudane Bruuk, wuxuu sheegay in ay socdaan shaqooyin lagu dhisayo xarun wayn oo dib u habayn ah iyo in la bilaabo shaqada dayactirka iyo wareejinta. Wuxuu tilmaamay in habka xiisaha leh ee tababarka darawalada iyo shaqaalaha goobta sii wadi doonto.

Swift Transport waxay sheegtay in tababarka loogu talagalay in lagu kala saaro baabuurta korontada iyo kuwa shidaalka iyo in la abuuro wacyigelin ka dhaxaysa xirfadlayaasha iyo daneeyayaasha si ay u shaqeeyaan gawaarida korontada maadaama tikniyoolajiyadoodu ay cusub tahay.

Tababarayaasha ayaa dhankoda tilmaameen inay aqoon badan ka korodhsadeen tababarka lasiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *