Golaha Xildhibanadda ismamulka diridhabe Ayaa Kalfadhigisii 9aad Ee Caadiga, Xili hawleedka 3-aad, Sannadkisa 4-aad, Ahaa Ayaa galabta looga dooday Ajandayaal kala duwan.

Iyadoo la og yahay in warbixinta waxqabadka lixdii bilood ee ugu horaysay ee dhanka adeega fulinta iyo dowladda hoose ee sanad miisaaniyeedka 2017 oo uu maanta soo jeediyay Duqa ismamulka magaalada diridhabe Mudane Khadiir Juhaar, ayaa xusay in lixdii bilood ee ugu dambaasay ismamulka la qabtay hawlo dhiirigalin ah oo la xiriira dakhli uruurinta, xasilinta dajinta qiimaha suuqa iyo shaqo abuurka dhalinyaradda.

Sidoo kale xubnaha golaha ayaa madasha kusoo bandhigay su’aalo la xiriira fulinta qorshaha lixda bilood ee ugu horeeya.

Waxayna su’aalo ka keeneen adeeg bixinta iyo maamul wanaaga, shaqo abuurka reer miyiga, caafimaadka, waxbarashada, haweenka iyo carruurta, mashaariicda waddooyinka, helidda biyo nadiif ah oo la cabo, iyo hawlaha la xirira dhalinyarada iyo ciyaaraha spoortiga.

Duqa magaalada mudane Khadir oo ka jawaabayay su’aalihii xubnaha goluhu waydiiyeen ayaa sheegay in qaybtii hore ee sanadkan la sameeyay dakhli uruurin, xasilinta qiimaha suuqa iyo howlo dhiiri galin ah oo shaqo abuur loogu sameeyay dhalinyaradda.

Sidoo kale, duqa ayaa sheegay in dadaalada uu bilaabay ismaamulka diridhabe ee ku aadan sidii bulshada reer miyiga ah looga dhigi lahaa ka faa’idaysiga iyo wax soo saarka ay yihiin kuwo leh natiijoo wanagsan isla markaana bulshada reer miyiga ah looga xorayn lahaa isticmaarka noloosha.

Duqa ayaa ayaa mar uu ka jawaabayay su’aashii ay xildhibaanadu u gudbiyeen ku tilmaamay Waxa uu xusay in shaqada laga qabtay dhammaan qaybaha kala duwan ee lixdii bilood ee ugu dambeeyay ee sanad miisaaniyeedka ay tahay mid dhiirigalin leh.

Ugu danbayn Waxaa la go’aamiyay in golaha uu ansixiyo guddiga isku xirka oo taageero ka helaya wakiilo si ay uga doodaan una ansixiyaan qabyo qoraalka xeer hoosaadka anshaxa garsoorayaasha iyo dacwadaha anshax marinta iyo xeer hoosaadka loo soo saaray si loo go’aamiyo shaqooyinka garsoorka ee maxkamadaha ismaamulka Magalaada.

Cabdilahi Cabdo

Sawir qade:Aganyaw Shawa araga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *