Mudane Suldaan Caliyi ayaa hadalkan sheegay xilli uu warsaxaafadeed ku saabsan imtixaanka siinayey warbaahinta .
Imtixaanka ayaa ay ardaydu qaadandoontaa 4ta iyo 5ta Agaali .
Mudane Suldaan ayaa intaasi raaciyey in imtixaanka ay qaadidoonaan 378 bare ayna kormeeridoonaan 64 masuul iyadoo ay caawindoonaan hor joogayaal iyo laamaha amniga oo iskaashanaya
Waxa uuna shacabka ugu baaqay Inay hor joogayaasha ku caawiyaan sidii imtixaanku ugu soo dhamaan lahaa si nabad galyo ah .
Geesta kale ardayda ayuu kula dardaarmay inaysan goobaha imtixaanka la iman wax ka baxsan qalinka ay imtixaanka ku marayaan haddii kale talaabo ayaa laga qaadidoonoa.
Ardayda ayaa imtixaanka lagaga qaadidoonaa 14 goobood oo magaalada ah iyo 48 goobood oo miyiga ah waxaana imtixaanka u fadhiisandoonta 9337 arday oo ka kala socda 64 dugsi oo dowli ah iyo 26 dugsi oo gaar loo leeyahay .
Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ayaa markii ugu horaysay waxaa lagu qaadan hab casri waxaana soodiyaariyey xafiiska waxbarashada ee ismaamulka dir dhabe oo kaashanaya jaamacada diri dhaba.


