waxaa la aasaasay guddi isku dhaf ah oo ka shaqayn doona sidi dib u kabis loogu samayn laha dadki hantidu kaga luntay dabki qabsaday suuqa dharka ee dagmada 07 ee ismaamulkani diri dhabe.

Kulan uu hogaaminaayay duqa ismaamulka diri dhabe mudane khadiir jawhar ayaa lagu soo ban dhigay qorshaha uu gudigu ku shaqayn doono ee ku aadan sidi gargaar loogu uruurin lahaa isla markana dib loogu soo celin lahaa noloshodi caadi ahayd ee ay hada ka hor ku jireen ganacsatadi ku hanti beelay masiibadaasi.

Guddigani la aasaasay oo uu guddoomin doono maayarku ayaa waxaa la tilmaamay in ay si deg deg ah u bilaabi doonaan sidi ay u garab istaagi lahaayeen iyago gunta ugu dhaadhici doona uga uu khasaarahaasi leegyahay iyo dadki masiibadaasi ku habsatay.

Qorshaha gudiga ayaa ka kooban dhawr qaybood oo kala ah sidi loo raadin laha waxa uu dabkani ka kacay, sidi loo heli laha cadadka hanti ku burburtay iyo waliba sidi dadkaasi ay hantidu ka luntay loo garab qaban lahaa iyago loo kala saarayo kuwa u baahan gargaarka deg dega ee inta badan ganacsigoodu uu ahaa mid maalin le ah.

Duqa ismaamulka mudane khadiir jawhar ayaa sheegay in dhibkani uu dhamaan shacabka ismaamulka wada taabanayo wuxuna uga mahad celiyay dadki naftooda huray ee suuro galiyay in dabkaasi la xakameeyo oo iskugu jira ciidanka dab damiska iyo waliba shacabka qaybihiisa kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *