Waa in dhalinyaradu ay door gaar ah ka ciyaaraan dhismaha qaranka iyaga oo aqoonta Naftooda kobcinaya.

“Aan abuurno dhalinyaro awood u leh inay u beddelaan Diri Dawa digital-kadhabeeysa adeegsiga la adeegsanayo tignoolajiyada”, Tani waa fikradda hoggaamineed ee ay hirgeliyeen Laanta Dhallinyarada Xisbiga Barwaaqo ee Diridhaba. Garabka dhalinyarada ee Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laantiisa Diridhaba ayaa soo qaban qaabiyay aqoon iswaydaarsi ahaa madal lagu baraarujinayo hogaanka dhalinyarada ee maamulka.

Dhalinyaradu waxay si firfircoon ula socdaan hawlaha dawladda ee dhinacyada siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha, iyo diblumaasiyadda, iyaga oo awood u siinaya xogtooda, waxa looga fadhiyaa inay kaalin gaar ah ka qaataan geeddi-socodka dhismaha qaranka, sida uu furitaankii aqoon-is-weydaarsiga Ku sheegay Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Diridhaba, ahna Madaxa Tayaynta Siyaasadda Mudane Shaakir Axmed.

Gaar ahaan tan iyo intii ay dhalatay Xukuumadda Isbedel-doonka ah, waxa la soo bandhigay wacyi-gelin ku aaddan sidii looga hortagi lahaa dacaayadaha kala duwan ee Qaran-dumisnimo iyo weliba sidii wax looga qaban lahaa wararka been-abuurka ah ee ay kuwa calooshood u shaqeeysta yaalku siyaabo kala duwan u faafiyaan.

Aqoon iswaydaarsigan ayaa waxa lagu soo bandhigay dukumeenti falanqayn ah oo dhinacyo badan taabanaya oo ku saabsan arimaha caalamka, gobolka iyo dalka oo uu soo jeediyay madaxa xafiiska shacabka ee maamulka Diridhabe mudane Axmed Siciid, waxaana dood qoto dheer la qaatay ka soo qayb galayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *