Golaha Kabineedka Is Maamulka Diridhaba, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa Go,anno kaso saraay.

Gollaha oo maanta galinki dambee shirkoda yeeshay ayaa ka hadlay mushaar kordhinta aay dhawaan losameeya shaqalaha dowlada sii loo horumariyo nolosha shaqalaha iyo arrimaha dhulka laa xirira.

Golaha kabineedka ayaa ka dooday dhaqan galinta mushaar kordhinta cusub ee shaqaalaha dowladda laga bilaabo bisha Maskaraam.

Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo horumarinta cududa shaqaalaha dawladda ayaa soo bandhigtay hab-raac tifaftiran oo ku saabsan qaybsiga mushaharka iyo gunnooyinka xubnaha golaha kabineedka waxana awaamir ka bixiyaay duqa magaada diridhaba mudane khadir juhaar.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmad (Dr.) ayaa qaaday tallaabo wayn oo uu ku horumarinayo mushaarka shaqaalaha dowladda, Duqa magaalada ayaa sheegay in maamul wanaaggu uu horseed u noqon karo xallinta dhibaatooyinka iyadoo aan laa dayacin bulshadda loo adeego.

Hadda wixii ka dambeeya, hannaanka hirgalinta ayaa la go ammiyay in laa hirgalin doonoo laga bilaabo bisha diqiimti en ku jirno.

Ugu danbayntii golaha kabineedka ayaa ka dooday oo ansixiyay ajandayaal laxidhidha arrimaha dhulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *