Madasha Dhalinyarada Geeska Afrika ee ka socota Dire Dhabe ayaa si heer sare ah loo qabtay, iyadoo isu keentay dhalinyaro iyo masuuliyiin ka kala yimid dalalka gobolka.

Madashan oo uu soo qabanqaabiyay ismaamulka Dire Dhabe ayaa shalay ku bilaabatay halku-dhegga “Dhiirigelinta Hoggaanka Dhalinyarada si loo dhiso Nabad Waarta iyo Xal u helidda Isbeddelka Cimilada waxayna maanta sii waday doodaha ku saabsan hoggaanka dhalinyarada iyo saameynta isbeddelka cimilada.

Mudane Tajuddin Cabdullaahi, La-taliyaha Isbeddelka Cimilada ee Duqa Magaalada Dire Dhabe, ayaa sheegay in isbeddelka cimiladu uu yahay mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan uguna waxyeellada badan ee saameeya dalkeenna, qaaraddeenna iyo adduunkaba, isagoo xusay in fikradaha iyo talooyinka ka soo baxay madasha ay mudan yihiin in mustaqbalka la hirgeliyo.

Sidoo kale, Mudane Xamid Cabdalla, Madaxweynaha Golaha Dhalinyarada ee ismaamulka Dire Dhabe, ayaa tilmaamay in madashani ay tahay fursad qiimo leh oo lagu soo bandhigayo horumarka iyo barwaaqada dalkeenna, isla markaana lagu muujinayo mashaariicda horumarineed ee Itoobiya qorsheynayso.

Madasha waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka kala socday Jabuuti, Soomaaliya, Somaliland, Koonfurta Suudaan, IGAD iyo Midowga Afrika, iyo sidoo kale agaasimaha fulinta iyo madaxweynaha Golaha Dhalinyarada Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha golayaasha dhallinyarada ee gobollada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *