Mashruuc ay ka faa’iidaysan doonaan 2,500 oo qof ayaa lagu wadaa in la hirgeliyo iyadoo ay taageerayso dowladda Canada oo ay ku bixi doonto 97.5 milyan oo birr.

Hay’ada SOS ee tuulada Harar oo mashruucan fulinaysa ayaa heshiis is afgarad ah la qaadatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada dir dhaba.

Saxiixa dukumeentiga, wakiilka Agaasimaha SOS ee tuulooyinka Harar, Mudane Muluken Asfaw, “Koriinka cagaaran awoodsiinta dhalinyarada mashruuca mustaqbalka cagaaran

Waxa uu sheegay in mashruucan oo lagu fulin doono magaca “Gaashanka Mustaqbalka” uu socon doono muddo shan sano ah.

Mudane Muluken oo xusay in hay’adu ay horay mashaariic kala duwan uga fulisay magaalada dir dhaba, wuxuuna sheegay in mashruucan hadda la fulinayo uu si weyn uga faa’iidaysan doono dhallinyarada, gaar ahaan haweenka.

Waxa uu xusay in fulinta mashruucan ay si wada jir ah ula shaqayn doonaan hay’adaha ay khusayso ee ku sugan magaalada dir dhaba isla markaana la samayn doono nidaamka dabagalka iyo qiimaynta ee lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in mashruucani ka midho dhaliyo ujeedooyinkii loo igmaday.

Madaxda Xafiiska Shaqaalaynta iyo Xirfadaha, Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xafiiska Haweenka, Caruurta iyo Arrimaha Bulshada oo ku saxeexnaa heshiiskan wada shaqayneed ee ismaamulka dir dhabe ayaa balan qaaday inay heli doonaan taageerada lagama maarmaanka ah ee hirgelinta mashruucan.

Shucayb daahir

Sawirka: Salaam Abebe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *