Ismamulka ayaa 2000, oo wadeneda shirkkadaha yar yar ka hawl gala lasiyay,310 milyan oo birr oo dayn ah.

Duqa Magaalada, mudane Khadir Juhar,oo kalfadhiga caadiga ah ee gollaha barlaamaanka maanta uso jedinayay,warbixinta waxqabaadka 6bilood ee lasodhafay ayaa sheegay in 19 mashruuc la horumariyay iyadoo diiradda la saarayo taageeridda maalgashiga maamulka.

Duqa ayaa sido kale sheegay in korontada iyo kaabayaasha dhaqaalaha la bixinayo si loogu suurtagaliyo maalgashiyadan inay abuuraan fursado shaqo oo joogto ah oo loogu talagalay in ka badan 2,000 oo muwaadin.

Duqa Magaalada mudane Khadir ayaa sheegay in dawladdu ay badbaadisay 324 milyan oo birr si loo xoojiyo awoodda dhaqaale ee shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe.

Guud ahaan, maamulku wuxuu qabtay shaqooyin lagu faa’iidaynayo dadka magaalada iyo in la hubiyo waaritaanka dhaqaalaha qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *