Dhismaha guryaha dadka danyarta ee Dagmada 01, Gande rige,iyo Dagmada 04 ayaa maanta lagu wareejiyay dadki loogu talagalay.
Munasibada wareejinta guriuaha ayaa waxaa kaso qayb galay oo farin halkasi ka gudbiyay Mudane Ibrahim Yusuf,oo ah Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqada ee laanta diridhaba ayaa yidhi in ahmiya gaar ah lasaray dadka danyarta sii aay u helan adeegyada as asiga ee noloshoda wax ka badalaya.
Waxa kalo uu sheegtay in dowladdu ay horumarin karto nolosha muwaadiniinteeda iyadoo dhammaystiraysa mashaariicda waawayn iyo hawlaha kale ee horumarinta ee dal ahaan,iyado adeegga is xilqadka logu dhisayo dadka tabarta yar waaxayna mujinaysa wadajirka aan la leenahay dadkeenna.
Qoysaska waayeelka iyo danyarta ah ee ka faa’iidaysta barnaamijka dib u habaynta guriyaha ayaa muujiyay mahadnaq iyo ixtiraam ay u hayaan ciidi ka cawisay dhismaha guriyaha.


