Safiirka Faransiiska U Fadhiya Itoobiya mr. Alexis Lamek Ayaa Manta Booqasho Ku Yimid Magaalada Diridhabe.

Waxana Safiirka markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Diridhabe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan ismamulka diridhabe.

Safirka iyo Wafdigu hogaminayay ayaa inta ay ku guda jiraan booqashada maamulka Diridhabe waxa ay booqan doonaan goobo dalxiis, goobo taariikhi ah iyo fursado maalgashi.

wuxuuna sheegay safirku in saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka jirta Diridhabe iyo faransiska ay tahay mid wayn oo so jireen ah.

Booqashadan ayaa ku beegan sannadguuradii 125-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Faransiiska 122 guuradii ka soo wareegtay maalintii magaalada Diridhabe ee 24-kii December 19 02 sida ku cad jadwalka Yurub ayaa sheegtay in tareenkii ugu horreeyay ee yimaada magaalada loo arko in uu dheer yahay.

Cabdilahi Cabdo

Sawir qade:Abiy Shimalis

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *