Golaha federeeshinka federshinka itoobiya oo kaashanaya hay’ada UNDP ayaa ismaamulka Diridhaba ku qabtay madal diirada lagu saarayay xidhiidhka dawladaha iyo nabadaynta gobolada dariska ah ee bariga Itoobiya.
Si loo sii xoojiyo, loona taabo-geliyo nidaamka xidhiidhka dawladeed ee dalkeenna, waxa la ansixiyay oo la dhaqangeliyay xeer L 1231/2013 ee ku saabsan nidaamka xidhiidhka dawlad-goboleedyada.
In kasta oo lix goobood oo kooxeedyo heer gobol iyo mid-hoosaad ah lagu dhisay dhawaaqa, haddana waxa jira xaddidaadyo marka la eego ka qayb qaadashada heerka loo baahan yahay ee xoojinta.
Ugu horeyn waxaa madasha wadatashiga ka hadlay maayar ku xigeenka ahna madaxa xafiiiska ganacsiga maalgashiga iyo warshadaha ee magaalada Diridhaba mudane Xarbi Buux oo sheegay in wada tashigu uu wax badan ka tari doono isku xirka gobolada iyo maamulada dariska ah si loo horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, si nabad waarta lagu xaliyo khilaafaadka iyadoo loo marayo nidaam hawleed iyo habayn, isla markaana loo siman yahay in laga faa’iidaysto dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadda guud ahaan.
Waxa uu intaa ku daray in marka laga soo tago wadada isku xidha magaalooyinka Addis-Ababa-Adama-Mieso-Dire dhabe ee isku xidha gobolada dariska ah,in jidka tareenka ee Addis-ababa iyo Jabuuti uu abuuray isku xidhka labada dhinac,xidhiidh ganacsi,isweydaarsi dhaqan iyo is dhexgal.
Ujeedada shirka madasha wadatashiga oo ay ku midaysan yihiin shanta gobol ee dariska ah ee bariga Itoobiya, kuwaas oo kala ah Oromia, Somali, Canfar iyo Harari iyo sidoo kale maamulka Diridhaba ayaa ah sidii loo xoojin lahaa madasha wada tashiga dawlad goboleedyada iyo sidii loo heli lahaa maamul dhismeedkiisa.
Guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka federaalka itoobiya marwo Zahra Umed oo madasha wada tashiga oo marti sharaf ah ka soo qayb gashay ayaa sheegtay in nidaamka federaalku aanu ahayn mid hal mar la soo dhisay, balse uu yahay geedi socod dheer oo dhismayaal iyo jiil kala danbeyn ah, lana balaadhinayo laguna xoojinayo asaaskiisa dastuuriga ah.
Marwo Zahra ayaa sharaxday in hay’adaha wada-tashiga iyo iskaashiga ee gobollada deriska ah ay gacan ka gaysan doonto xallinta khilaafaadka gobolka, dhisidda xiriir adag oo bulsho iyo shacab, isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha, qaab-dhismeedka iyo xallinta khilaafaadka si nabad waarta.
Waxaa madasha wada tashiga ka soo qayb galay gudoomiyaasha shanta gole deegaan, xoghayayaasha gudiga joogtada ah ee golaha federeeshinka itoobiya nabadoonada iyo nabadgalyada heer deegaan, khubaro sarsare oo ka socotay wasaarada nabadaynta demoqradiva federaalka itoobiya .


