Xafiiska Maayarka ee is Maamulka Diridhabe ayaa Xarunta Maamulka Ciidanka Asluubta iyo Hoyga maxabista diridhabe, ka qayb qaatay taakulaynta adeega is xilqadka xagaga ee sanad 2017 oo ay ka mid yihiin dhir beeris, dhiig ku deeqid, daryeelka nadaafadda haweenka maxaabiista ah iyo sidoo kale raashinka caruurta ee caruurta maxaabiistu hayso.
Mudane Dhareje Tsegaye, oo ah Madaxa waxda qaabdhismeedka ee xafiska Xisbiga Barwaaqo laantisa is Maamulka Diridhabe, oo ka qayb galay barnaamijkan ayaa sheegay in hawsha kaalmaynta bulshada ay ka socdaan 14 goobood oo kala duwan oo ah shaqo tabaruuc ah xiliga xagaga.
Mudane Dhareje, waxa uu intaa ku daray in maanta hogaaminta iyo hawl wadeenada xafiiska maayarka iyo hay’adaha ay khusayso ay kormeer ku tageen xabsiga asluubta, isla markaana ay gacan ka gaysteen beerida geeda, dhiig ku deeqid, agabka nadaafadda ee gabdhaha xabsiga ku jira, iyo quudinta carruurta maxaabiista ah,wuxuuna arrintan ku micneeyay in taageerada nucano kale lagu caawiyo dadka maxaabiista.
Marwo Saacada Cawaale, oo ah Madaxa Xafiiska Maamul Wanaagga iyo Xalinta Cabashooyinka ee Xafiiska Maayarka ismamulka Diridhabe, ayaa tilmaantay in taakulaynta ay bixiyeen ay ugu horayso in la is caawiyo, isla markaana la taageero dadka maxaabiista ee ubadka haysta.


