Ururka Kaniisadaha wangalawiyaan Ee Diri Dhaba ayaa si wayn ugu dabaaldagay garoonka caalamiga ee diridhaba Xuska fasikaga.
Intii ay socotay xaflada ayaa waxaa ka hadlay ugu horaynti gudoomiyaha ururka kaniisadaha Diridhaba Baadari/bastar Mikiyaas Taye oo xusay in xuskani uu yahay kii ugu balaadhnaa uguna muhiimsan ee xusaska sanadlaha ah ee ay dadka dinta kristaanka haysta xusaan, waxaana uu sheegay in ay tahay maalintii lagu xasuusto Ciise Masiix.
Dhanka kale, Duqa magaalada Diridhaba Mudane Khadir Juhaar oo marti sharafti ka soo qayb galay aha ayaa salaan ka soo jeediyay wuxuuna sheegay in inkasta oo iimaanka lagu kala qaybsan yahay aynu xoojinayno walaaltinimada iyo isku duubnida innaga oo ku xusayna sii kal kacayl leh.
Duqa ayaa sido kale waxa uu sheegay in faa’iidada laga helo, xusaska aay tahaay mid aan ku xojinoo wada jirkeena. waxaanu farriintiisa ku sheegay in qof kastaa uu farxadda xuska la qaybsado oo uu wixii uu haysto la qaybsado dadka danyarta sh, quudinta iyo hufsiga dadka danyarta ah, kuna camal falaan camalka wanaagsan ee la ina faray in aynu diinteena ku dhaqanno.
Munaasibadan ayaa waxa kalo ka soo qayb galay Madaxa qaab dhismeedka Abaabulka ee xafiska xisbiga barwaqo Laantisa Diridhaba mudane Dharaje Tsagaye iyo Marti sharaf ka kala socotay Kaniisadaha wangalawiyanka ee Magaalada Diridhaba.
Cabdilaha Cabdo
Sawirka;Aganyaw shawa araga.


