Naadiga Ciyaaraha Magaalada Diridhaba Oo Heshiis Maalgalineed La Saxeexday Shirkada Tan Injineernimada Iyo Ganacsiga.

Bahda Ciyaaraha Magaalada Diridhaba ayaa heshiis maalgalin ah la saxeexday Shirkada Tan injinaring iyo ganacsiga .

Bahda Ciyaaraha Magaalada Diridhaba ayaa sanadkan 2018 heshiis kafaalo qaad ah la saxeexday laba urur oo isboorti.

Waxaa xusid mudan in naadigu uu dhawaan heshiis 3 sano ah la saxeexday shirkadda samaysa dharka ee Gofre iyadoo maantana ay heshiis kafaala qaadis ah oo 3 sano ah la saxeexdeen shirkadda Tan Engineering and Trading Company.

Sida laga soo xigtay xafladan oo ka dhacday ee magaalada Diridhaba, heshiisyada kafaala-qaadka ee noocan oo kale ah ayaa la sheegay inay wax weyn ka tari doonaan dadaalka naadigu ugu jiro inuu noqdo mid caan ah.

Guddoomiyaha Naadiga Isboortiga ee Diridhaba Injineer Jamaal Ibraahim ayaa heshiiska kadib sheegay in Shirkadda Tan Engineering iyo Trading Company iyo Mulkiilaha Shirkadda mudane Fu’aad Ibraahim ay ka mid yihiin xubnaha maamulka naadiga isla markaana ay sii wadayaan maal gelinta naadiga taasina ay muujinayso dareenkooda ku aaddan ka mid ahaanshiyaha naadiga.

Injineer Jamaal Ibraahim waxa uu sidoo kale ugu baaqay maalgashadayaasha iyo hay’adaha kale ee maamulka iyo dalkaba in ay dhaqaalehooda ku biiriyaan dadaalka loogu jiro in naadiga uu noqdo mid caan ah oo ay kafaalo qaadaan naadiga.

Mudane Fu’aad Ibraahim oo ah maamulaha Shirkadda Tan Engineering and Trading ahaana ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Itoobiya ayaa yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay oo aan ugu hanweynahay in aan kafaalo qaado kooxdii aan u ciyaari jiray, si wada jir ah ayaanu mustaqbalka kooxda uga dhigi doonaa mid heersare ah”.

Marwo Meluka Maxamed oo ah madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee maamulka Diridhaba oo xaflada ka hadashay ayaa sheegtay in heshiisyada noocan ah ee kafaala qaadka ah iyo hawlaha lagu taageerayo naadiga ay wax weyn ka tari doonaan dadaalka loogu jiro soo celinta magacii kubada cagta ee Diridhaba waxayna xustay inay aaminsantahay in shirkadaha kale ee maalgaliyay sida Tan Engineering iyo Trading Company ay ku dayan doonaan.

Tababaraha kooxda Diridhaba Yitegsu ayaa yidhi Fu’aad Ibraahim waa arin ku dayasho mudan oo uu kafaalo qaaday kooxdii uu u ciyaari jiray taaso macne wayn ugu fadhida kooxda.

Kooxda ayaa ku dhawaaqday in ay sanadkan kooxda koowaad u dalacsiisay shan ciyaaryahan oo da’yar ah.

Xafladda heshiiska kafaalaqaadka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda kooxda iyo maamulka, ciyaartoyda kooxda saxafiyiin iyo dhinacyadii lagu casuumay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *