Waxaa la sheegay in shaqada Tabaruca loo qabto si joogto ah iyadoo lagu xirayo shaqada caadiga ah.

Xafiiska Horumarinta Dhaqaalaha iyo maliyaada ee ismamulka Diridhaba iyo Wakkaladda dakhligga ee is Maamulka diridhaba, ayaa barnaamij isxilqadka ee bilaha xagaga ku qabtay Beerta Dr. Cali Bira.

Barnaamijka ayaa isugu jiray dhir beerid iyo dhiig ku deeqid. Madaxa Xafiiska Horumarinta Dhaqaalaha iyo malliyada ee ismamulka Diridhaba Marwo Muluuka Maxamad,oo barnamijka kaso qayb gashay ayaa sheegtay in wax qabadku aanu ahayn hal mar oo kaliya, balse la ogaado in waxqabadyada bulshada aay faa’iido u ledahay mustaqbalka.

Labadan hay’adood ayaa tilmaamay in barnaamijka isxilqaadka ee xagagaa, marka laga soo tago dhir beerista, ay sidoo kale qorshaynayaan taakulaynta dadka da’da ah, dayactirka iyo dhismaha guryaha danyarta, iyo in taageero kala duwan la siiyo ardayda qoysaska danyarta ah.

Geesa kale,Madaxa dakhliga ee is maamulka diridhaba,mudane Cabdisalaam Maxamad,oo isna halkasii ka hadlay ayaa sheegay in howlaha lagu qabtay barnaamijka tabaruca ay faa’iidooyin badan leeyihiin, gaar ahaan dhanka faa’iidooyinka bulshada, wuxuuna sheegay in dadka ismamulku ay u sahlaan isku xirnaan wanaagsan iyo in howlaha lagu qabtay barnaamijkan sida dhir beerista ay sidoo kale faa’iido wayn u leedahay kobaca dhaqaalaha.

Guud ahaan xilliga xagaga ayaay barnaamijka isxilqadka ayaa waxa uu cunooyin la siiyay 500 oo qof oo ismamulka ah, iyadoo agab waxbarasho la siiyay 300 oo arday, waxaana la ururiyay 50 unug oo dhiig ah, sida lagu sheegay qorshe ay wada jir u soo diyaariyeen labada hay’adood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *