Waxaana ugu horaynti ka hadlaay oo qimaaynta shir guddominayay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laantisa diridhabe Mudane Ibraahin Yuusuf oo tilmaamay in xisbigu uu wakhtigan ku guda jiro u diyaar garowga shirwaynaha labaad ee caadiga ah ka dib markii uu qabtay shirwaynihii ugu horeeyay ee taariikhi ah. Waxa uu sheegay in madasha maanta ay wax badan ka tari doonto sidii loo qiimayn lahaa howlihii la soo qabtay min gole ilaa gole si loo soo bandhigo qodobbada adag ee shaqo islamarkaana diirada lagu saaro meelaha wax ka dhimanyihin.
Mudane Ibraahim ,waxa uu intaa ku daray in maadaama Xisbiga Barwaaqo uu yahay mid dadka u janjeedha in hawlaha horumarineed ee uu maamulku wado iyo sidoo kale sida hawlaha Lemat Turufat iyo hawlaha iskaa wax u qabso lagu qiimayn doono, isla markaana lagu qiimayn doono su’aalaha horumarka iyo maamulka suuban ee ay shacabku qabaan.
Sido kale, mudane ibraahin ayaa sheegay in laga doodi doono sidii ay u qabsoontay howlihii wajigii diyaarinta iyo howlihii ka qayb galka dadwaynaha ay u fuliyeen wajigii fulinta.
Cabdilahi Cabdo
Sawir qade;Salaam ababa


