Go’aanka Golaha Kabineedka

Golaha Kabineedka ee is Maamulka Diridhabe ayaa go’aamo kasoo saaray shirkoodii caadiga ahaa

Golaha Kabineedka ee Is Maamulka Diridhabe ayaa ka dooday oo go’aamo ka soo saaray shirkoodii caadiga ahaa

1-aad: Golaha Kabineedka oo ka dooday qabyo qoraal ah oo lagu dhisayo laguna wacyigalinayo Maxkamadaha dhaqanka ee Is Maamulka Diridhabe.

Baaqan qabyada ah oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in bulshada lagu xukumayo afkooda, dhaqankooda iyo diintooda maxkamadda dhaqanka ee laga dhisayo ismamulka, isla markaana ay ka caawin doonto sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen noloshii nabadooneed ee ay hore ugu soo noolaayeen iyagoo aan wax ciil ah an qabin. Waxaa la soo bandhigay ku dhawaaqistii qabyo-qoraalka ah, waxaana dood dheer laga yeeshay. Dukumeentiga waxaana loo gudbin doonaa Golaha ismaamulka si loo ansixiyo.

2-aad:- Wakkalada biyaha ee ismamulka oo go’aanna ka soo saaray qiimaha biyaha nadiifka ah ee magaalada iyo arrimo la xiriira.

Golaha Kabineedka ayaa ka dooday culayska haysta Hay’adda oo ay ugu wacan tahay sare u kaca ku yimid qiimaha dollarka iyo Korontada iyo qiimaha kala duwan, waxaana la go’aamiyay in dib u eegis lagu sameeyo Tacriifadaha, balse dib u eegis lagu sameeyo haynta bulshada, maamulkuna uu taageero u fidiyo Hay’addaasi sidii ay horay u sameyn jirtay. Waxaa laga dooday oo laga soo saaray go’aan ah in bulshada adeegsada ilaa 250 Jeerikaan bishii ahayd 38 santin lagaa dhigo 49 sentin, sidoo kale bulshada adeegsada 500 oo jeerikan bishii oo ahayd 44 sentin laga dhigo 56 sentin, sidoo kale bulshada adeegsata 750 Jeerikaan bishii oo ahayd 62 santin laga dhigo 80 santin.

3-aad:- Si loo hirgaliyo Adeegga Hal-goob (MESOB) ee is maamulku, waxa uu horay u kiraysan jiray dhismayaal gaar ah. Hay’adaha Dawladda ee u adeegaya si kala qaybsan, iyagoo ka duulaya hawlaha iyo waajibaadka shaqo ee ay u igmadeen Hay’adaha Rayidka ah, waxay samaysteen Gole Dhexe iyo Guddi Farsamo oo u diyaariya xiliga lagama maarmaanka u ah shaqadooda iyo agabka ay ka mid yihiin shanta (5) dabaq ee uu maamulku dhisay, waxaanay go’aan ku gaadheen in la dhiso dhisme cusub oo loogu talogalay adeegyada dawladda ee sanadka 2018-ka.

Ugu dambeyn, golaha Kabineedka ayaa go’aan ku gaaray kaddib markii ay ka doodeen qodobabadan iyo kuwa kale.

Xafiiska Arimaha Isgaarsiinta ee Is Maamulka Diridhabe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *