#Warka / Is Maamulka Diridhabe, Waxaa ka Socda Hawlo Badan Oo haweenka Magaalada iyo Miyiga ku Nool u Suurtagalinaya Inay noqdaan kuwo Uu madax bannaan dhaqaalahoda kana Madax bannaan ku Tiirsanaanta.

Mayaarka Magaalada Diridhabe Mudane Khadiir Juhaar.

#DGC 1/2017

Waxaa magalada diridhabe sii wayn loga xusaay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, March 8,oo halku dhag loga dhigay “Isbaddal caalami ah oo dagdag ah oo waara waxaa lagu hubiyaa ka qaybgalka haweenka!”.

Waxana madasha lagu xusayay kaso qayb galay Mayaarka magaalada diridhabe Mudane Khadiir Juhaar,oo sheegay in marka laga soo tago in la aqoonsan yahay xuquuqda dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee haweenka, dastuurka Fedaraalka uu qabanayo waxyaabo badan oo lagu xaqiijinayo ka qaybgalkooda iyo faa’iidooyinkooda heer kasta ah.

Mayaarka magaalada ayaa sido kale sheegay in hawlo badan ay wadan ka maamul ahaan si haweenka magaalada iyo miyiga ku nool ay u noqdaan kuwo madax-bannaan dhaqaale oo ay ka xoroobaan ku-tiirsanaanta mamulkuna sii xoojin doono.

Mayaar khadiir ayaa sheegay Isbadalka ka dib, maamul iyo heer qaranba, haweenku waxay si siman uga qaybqaataan shaaxdda siyaasadda ee ragga oo dadaal badan loo galay sidii loo hor marin lahaa xuquuqdooda doorasho iyo mid hogaamineedba.

Xuska maalinta haweenka aduunka ee March-8-da ayaa sanadkan lagu xusi doonaa madal abaabulan oo lagu kordhinayo ka qaybgalka dhaqaalaha iyo faa’iidada haweenka heer maamul iyo heer qaranba si loo kobciyo ka qaybgalka dhaqaalaha haweenka.

Geesta kale, Afhayeen ku xigeenka Golaha Shacabka Marwo Lomi Badho, ayaa sheegtay in marka aan sanadkan u dabaal dgayno maalinta haweenka ay ugu wayn tahay xoojinta Ururka Horumarinta Haweenka, sare u qaadida dhaqamada wax u kaydinta haweenka oo aan lagu soo darin horumarka, abuurista isku xirka dhaqaalaha, kordhinta daryeelka caafimaadka, baarista afka ilmo galeenka iyo caafimaadka kale, iyo abuurista dhaqdhaqaaqa haweenka si ay uga qayb qaataan horumarinta iyagoo iibsanaya bondhiga biyo xidheenka wayn ee abay.

Marwo Lomi,ayaa sidoo kale sheegtay in bandhiga ay soo diyaariyeen shirkadaha haweenka ee furitaankii shalay la furay ay wax wayn ka tari doonaan wax soo saarka iyo adeegyada ay haweenku soo saaraan.

Sido kale, Madaxa Xafiiska Haweenka, Carruurta iyo Arrimaha Bulshada ee isMaamulka Diridhabe Marwo Xukmiya Maxamad, ayaa sheegtay in Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurtu isagoo ka duulaya xilka iyo waajibaadka ka saaran wareegtada uu abuurayo shuruudo wanaagsan oo haweenka maamulka ku jira si ay u dhawraan xuquuqdooda iyo badbaadada iyo ka qayb qaadashada iyo ka faa’iidaysiga dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Marwo Xukmiya ayaa sidoo kale tilmaamtay in maamulku uu guulo badan ka soo hooyay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo abaabulka iyo hirgalinta ururada horumarinta haweenka ka hirgaliyay 9-ka dagmo iyo afarta dagmo ee miyiga ah si ay haweenku si hufan uga qayb qaataan hawlaha kala duwan ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo bulshada.

Cabdilahi Cabdo

Sawirka:Aganyaw shawa araga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *